Dagaal laysu adeegsanayo Hoobiyayaal ayaa ka socda Bariga Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ay…
Wararka Soomaaliya
Dagaal laysu adeegsanayo Hoobiyayaal ayaa ka socda Bariga Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ay muddooyinkii dambe isku-horfadhiyeen ciidamada Dowladda Puntland iyo kuwa PSF ee ka amar qaata Dowladda Somalia.
Dhawaqa hubka culus ayaa laga maqlay qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Galkacyo, iyadoo la arkayey uuro madaw oo ka kacaysa agagaarka garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf oo ay deggan yihiin ciidamo katirsan kuwa ku biiray DFS.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in subaxnimadii hore ee saaka hoobiyayaal ku soo dheceen Xaafadda Buulo Doora, inkastoo aan si rasmi ah loo werin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hoobiyayaashaasi iyo cidda soo riddey.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

