22.3 C
New York

Mareykanka oo ku qasban in uu joojiyo dagaalka Iran kadib markii ay ka dhamaadeen…

Published:

Militariga Mareykanka ayaa isticmaalay inta badan keydkoodii gantaallada riddada dheer ee sida tooska h loo hago, kadib shan bilood oo dagaal ah oo uu kula jiray Iran, arrintaas oo dhalisay walaac ku saabsan awoodda Washington ay uga jawaabi karto dagaallo ama qalalaase cusub oo ka dhaca meelo kale oo dunida ah.

Wararka Soomaaliya

Saddex qof oo xog-ogaal u ah tirakoobka hubka militariga ayaa Reuters u sheegay in Mareykanku uu si weyn u isticmaalay gantaallada dhulka laga rido ee loo yaqaanno Army Tactical Missile Systems — ATACMS — iyo Precision Strike Missiles — PrSM.

Laba ka mid ah ilahaas ayaa sheegay in “ku dhowaad dhammaan” keydkii labadan nooc ee gantaallada la isticmaalay, inkasta oo aysan shaacin tirada hubka hadda u hartay militariga Mareykanka.

Xogta muujineysa heerka uu hoos ugu dhacay keydka gantaallada ATACMS iyo PrSM ayaan hore si faahfaahsan loogu soo bandhigin warbaahinta.

Faahfaahinta

Gantaalladan oo midkiiba qiimihiisu ka badan yahay hal milyan oo dollar ayaa militariga u oggolaanaya inuu bartilmaameedyo si sax ah uga duqeeyo masaafo fog, isaga oo aan askarta iyo diyaaradaha dagaalka gelin khatar toos ah.

Gantaallada ATACMS ee Mareykanku siiyay Ukraine ayaa sidoo kale door weyn ka qaatay dagaalka Ruushka iyo Ukraine, iyagoo ciidamada Kyiv u suurtageliyay inay weeraraan bartilmaameedyo ku yaalla gudaha dhulka Ruushka.

PrSM waa jiil cusub oo casri ah, waxaana la qorsheynayaa inuu beddelo ATACMS, oo leh awood iyo masaafo ka gaaban tan gantaallada cusub.

Saamaynta

Hoos u dhaca weyn ee keydka gantaallada riddada dheer ayaa la sheegay inay madaxweyne Donald Trump ku qasbi karto inuu ku tiirsanaado diyaarado ay duuliyayaal wadaan, haddii uu mar kale billaabo duqeymo ballaaran oo ka dhan ah Iran.

Taasi waxay sare u qaadi kartaa khatarta ay la kulmayaan duuliyayaasha Mareykanka, gaar ahaan marka la weerarayo waddan leh nidaamyo difaaca cirka oo xooggan.

Trump ayaa dagaalka Iran si wadajir ah ula billaabay Israel bishii Febraayo, isaga oo xilligaas saadaaliyay in colaadda ay muddo kooban socon doonto.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img