24.5 C
New York

Maxaa kasoo kordhay booqashada Xamza ee Laascaanood? + Sawirro

Published:

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa halkaas ka wada kulamo xasaasi ah oo uu la qaadanayo madaxda Maamulka Waqooyi Bari iyo waxaradka deegaanka.

Wararka Soomaaliya

Xamza ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Isimmada Dhaqanka ee Waqooyi Bari, isaga oo kala hadlay xoojinta nabadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu ku bogaadiyay odayaasha dhaqanka doorka ay ku leeyihiin arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

“Aniga oo ku sugan maalintii labaad magaalada Laascaanood, waxaan hoyga aan daganahay kulan miro-dhal ah kula yeeshay Isimmada dhaqanka, deegaannada Waqooyi Bari. Isimmada, waxaan ka wada hadalnay dowlad-dhiska, xoojinta nabadda iyo midnimada dalka. Waxaana ku bogaadiyaa doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo adkeynta wadajirka bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Faahfaahinta

Ra’iisul wasaaraha ayaa odayaasha uu la kulmay la wadaagay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay dadaallada lagu horumarinayo dalka iyo geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ugu baaqay inay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aadan wada noolashaha iyo midnimada dalka.

“Waxaan sidoo kale, adkeynayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo dowlad-dhiska, waxaana ugu baaqayaa Isimmada dhaqanka in ay sii laba jibbaaraan kaalintooda muhiimka ah ee ku aaddan xasilloonida, wada noolaanshaha iyo midnimada dalka,” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa noqonaya kii saddexaad ee uu ku tago Laascaanood tan iyo markii ay Dowladda Federaalka billowday xoojinta xiriirka ay la leedahay maamulka Waqooyi Bari. Sidoo kale safarkan ayaa la sheegayaa inuu qeyb ka yahay arrimaha ciidamada Waqooyi Bari, kuwaas oo Dowladda Federaalka qorsheyneyso in si rasmi ah loogu daro ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, si loo mideeyo taliska iyo hannaanka ciidamada qaranka.

Saamaynta

Si kastaba, Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo maamulka Waqooyi Bari, gaar ahaan dadaallada lagu mideynayo ciidamada, lagu xoojinayo amniga iyo hirgelinta qorshayaasha dowladda ee deegaannada maamulkaas.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img