Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Garoowe kaga qayb galay aaska qaran ee…
Wararka Soomaaliya
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Garoowe kaga qayb galay aaska qaran ee Alle ha u naxariistee Muuse Maxamed Guure (Diibeeye), oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Dowladda Puntland, door weynna ku lahaa dhismaheedii sanadkii 1998.
Madaxweynaha ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka iyo dhammaan shacabka reer Puntland, isaga oo Alle uga baryey marxuumka inuu naxariistiisa Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, ehelkii iyo ummaddana ka siiyo samir iyo iimaan. Waxa uu sidoo kale xusay in marxuumku ka tagay dhaxal iyo taariikh wanaagsan oo lagu xusuusan doono.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

