24.5 C
New York

Somaliland oo cabasho ka gudbisay R/W Xamza kadib markii…

Published:

Xukuumadda Somaliland oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa si adag u cambaareysay socdaalka uu Axaddii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyada oo cabasho u gudbisay saaxibada beesha caalamka.

Wararka Soomaaliya

Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee magaaladaas u aragto daandaansi iyo xadgudub ka dhan ah waxa ay ku tilmaantay madax-bannaanideeda. Maamulka Somaliland ayaa sheegay in booqashadu ay sii hurin karto xiisadda siyaasadeed, isla markaana ay ka digayaan tallaabo kasta oo keeni karta amni-darro ama qalalaase horleh.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si adag u cambaaraynaysaa socdaalka daandaansiga ah ee ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya, ku yimid qaybo ka mid ah bariga gobolka Sool. Tallaabadani waxay hordhac u tahay hurin colaadeed iyo muran siyaasadeed oo aan geedna loogu soo gabban, waana ku-xad-gudub madaxbannaanida dhuleed iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena waa ficil sii hurinaya colaadda, khalkhal na gelinaya amniga iyo xasilloonida gobolka,” ayaa lagu yir

Somaliland waxay bayaankeeda ku xustay in booqashada Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku joogo Laascaanood ay wiiqayso dadaallada saaxibada caalamiga ee ku aadan sidii xasillooni loogu soo dabaali lahaa gobolka.

Faahfaahinta

Waxaa kale oo ay intaas ku dartay in itallaabada uu qaaday Ra’iisul wasaaraha ay tahay mid mas’uuliyad darro ah, sida lagu caddeeyay qiraalka.

“Xukuumadda JSL waxa ay si cad u sheegaysaa in falalkan masuuliyad-darrada ahi iyo socdaalladan aan micnaha ku fadhiyini aanay waxba ku soo kordhinayn nabadda gobolka, balse ay si toos ah u wiiqayaan dedaallada dunidu ku doonayso xasillooni waarta iyo nabadgelyo gobolka ka hanaqaadda,” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Somaliland ayaa dhanka kale farriin dacwo ah u dirtay beesha caalamka, Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobay, iyada oo ku wargelisay in ay si weyn uga soo horjeedo tallaabooyinka uu qaaday Ra’iisul wasaare Xamza.

Saamaynta

Sidoo kale, xukuumadda Hargeysa ayaa ka codsatay saaxibada caalamka in Dowladda Federaalka ay kala hadlaan inay ka waantowdo falalka hurinta ah.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqaysaa Midawga Afrika, IGAD, Qarammada Midoobay iyo dhammaan saaxiibbada caalamka inay si cad uga soo horjeeddo tallaabooyinkan kicinta ah, isla markaana ay dawladda Federaalka Soomaaliya ku boorriyaan inay ka waantowdo falalka sii hurinaya xiisadaha gobolka,” ayuu ku sii daray warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn Somaliland ayaa xaqiijisay inay u taagan tahay nabad, xasillooni, wada-noolaansho iyo wada-jir ku dhisan is-ixtiraam. hase yeeshee waxa ay sheegtay in ay si buuxda u adeegsan doonto dhammaan tallaabooyinka sharci iyo qarannimo ee lagama maarmaanka u ah difaaca madax-bannaanideeda, amnigeeda iyo midnimada dhulkeeda.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img