Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta si rasmi ah u celiyay dhalashadii waddanka Kenya, kadib markii dhawaan laga soo celiyay dalkaasi.
Wararka Soomaaliya
Jabriil oo tegay xarunta safaaradda Kenya ee magaalada Muqdisho ayaa geeyay dhalashada dalkaas oo uu haystay muddo 20 sanno ah, sida uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id.
“Ujeedka socdaalkayga waxa uu ahaa inaan safaaradda u celiyo dhalashadii Kenya ee aan haystay muddo ka badan 20 sano, iyagana ay ku sheegeen inay tahay mid aan Fake aheyn,” ayuu yiri Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee dalka ayaa shaaca ka qaaday in markii uu arkay caqabadaha soo kordhay iyo dhibaatooyinka la xiriira isticmaalka baasaboorka Kenya, uu go’aansaday inuu dib u celiyo, isla markaana uu si rasmi ah uga tanaasulo dhalashada Kenya.
Faahfaahinta
Waxa uu xusay in go’aankaasi uu ka tarjumayo kalsoonida uu ku qabo dalkiisa, isla markaana hadda kadib uu adeegsan doono baasaboorka Soomaaliga ah.
“Markii aan arkay daruufaha hadda soo cusboonaaday iyo markii aan arkay caqabadaha jira waxaan go’aansaday inaan u celiyo oo aan ka tanaasulo dhalashadii Kenyaanka ahayd ee aan haystay,” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.
Sidoo kale wuuu sii raaciyay “Dowladda Kenya iyo dadkaas waa dowlad aan walaalo nahay oo aan saaxibo nahay daruufo hadda soo cusboonaaday uunbaa keenay ciriiriga hadda jira”.
Saamaynta
Talada Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee dalka
Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo cabashooyinka la xiriira sida loola dhaqmo qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ka daga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) ee Nairobi, isagoo xusay in mararka qaar laga qaado baasaboorradooda.
Waxa uu kula taliyay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan dalkooda,ayna iska celiyaan dhalashada Kenya.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

