28.7 C
New York

War cusub oo kasoo kordhay doorashada guddoomiyaha BF Soomaaliya

Published:

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta tallaabadii ugu horreysay u qaaday doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka, si loo soo buuxiyo kursigii uu dhawaan banneeyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wararka Soomaaliya

Warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiye Sacdiya Yaasiin ayaa waxaa lagu magacaabay guddiga doorashada ee guddoomiyaha Golaha Shacabka, si loo dadajiyo howsha, loona soo doorto guddoomiye Baarlamaan oo rasmi ah.

Xubnaha la magacaabay oo ka kooban 9 Xildhibaan ayaa la faray inay gutaan waajibaadka loo igmaday, ayna isku dabaridaan hawlaha doorashada.

“Waxaa la farayaa xubnaha kor ku xusan inay si degdeg ah u gutaan waajibaadka loo igmaday, si waafaqsan xeerhoosaadka golaha,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Faahfaahinta

Yaa ku tartamaya doorashada?

Doorashada kursigan oo si weyn isha loogu wada hayo ayaa waxaa isku soo taagay musharrixiin ay kamid yihiin Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo dhawaan uun soo qaatay kursi Xildhibaannimo iyo Xildhibaan Saadaad Caliyow oo shalay iska casilay xilka Wsasiiru Dowlaha Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Labada musharrax ayaa haatan olole xooggan ka wada magaalada Muqdisho, iyaga oo gooni gooni ula shiraya Xildhibaannada, si ay codad uga helaan, waxaase lagu kala bixi doonaa hoolka doorashada oo ah Villa Hargeysa.

Saamaynta

Sidoo kale, waxaa doorashadan saameyn ku leh Villa Somalia oo la sheegay inay wadato musharrax ay dooneyso inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, si uu u beddelo Sheekh Aadan Madoobe.

Shaqada u taalla Baarlamaanka Soomaaliya

Kalfadhigga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu shalay si rasmi ah u furay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in Labada Gole ay sii amba qaadaan hawlaha muhiimka ah ee horyaalla, gaar ahaan arrimaha hortabinta u leh dalka oo ay ugu horreyso doorashada oo haatan uu ka taagan yahay muran xooggan.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img