28.7 C
New York

Madaxweyne Deni oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayey ciribtirka Daacish xilli askar ku dhimatay Calmiskad.

Published:

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada Boosaaso, ayaa maanta…

Wararka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada Boosaaso, ayaa maanta shir looga hadlay amniga guud iyo dardargelinta dhameystirka howlgalka ciribtirka argagixisada ee ka socda buuraha Calmiskaad la yeeshay saraakiisha amniga.

Kulanka waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, la-taliyeyaal Madaxweyne, maamulka Gobolka Bari iyo saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ka socda Calmiskaad, muddadii uu socdey kulanku waxaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, dardargelinta howlgalka iyo sidii loo xaqiijin lahaa guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Dhanka kale, ugu yaraan siddeed askari oo ay ku jirtay hal askari oo dumar ah ayaa ku geeriyooday qarax miino oo haleelay gaari ciidan oo marayay nawaaxiga deegaanka Sheebaab ee degmada Qandala.

Faahfaahinta

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dhammaan askartii saarneyd gaariga ay ku dhinteen qaraxa, hase yeeshee weli ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo dheeraad ah oo ka soo baxday hay’adaha ammaanka Puntland, waxaana la filayaa in xog dheeraad ah laga helo saacadaha soo socda.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img