28.7 C
New York

Madaxweynaha Puntland oo Bosaso kula kulmaya Saraakiil ka socota Maraykanka.

Published:

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa inuu maanta Magaalada Boosaaso ku qaabilo Taliyaha…

Wararka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa inuu maanta Magaalada Boosaaso ku qaabilo Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM u qaabilsan Hawlgallada Gaarka ah, Claude K. Tudor Jr., oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan taliska.

Kulanka Puntland iyo saraakiisha Maraykanka ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga amniga ee u dhexeeya Dowladda Puntland iyo Taliska AFRICOM, gaar ahaan dardar gelinta hawlgallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ee ka howlgala deegaannada Puntland.

Labada dhinac ayaa sidoo kale la filayaa inay ka wada hadlaan taageerada tababarrada ciidamada, isdhaafsiga xogaha sirdoonka, horumarinta awoodda ciidamada amniga, iyo arrimo kale oo la xiriira xasilloonida iyo amniga gobolka.

Faahfaahinta

Booqashadan ayaa imanaysa xilli Puntland ay sii waddo hawlgallo ka dhan ah kooxaha argagixisada, iyadoo iskaashiga ay la leedahay AFRICOM uu door muuqda ka qaatay taageerada dhinacyada tababarka, sirdoonka iyo hawlgallada amniga ee buuraleeyda Cal-miskaad oo katirsan gobolka Bari.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img