28.7 C
New York

Sheekh Shaakir oo niyad-jab ka muujiyay doorashadii Galmudug – Maxaa dhacay?

Published:

Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan doorashadii dhawaan ka dhacday maamulka Galmudug, isagoo muujiyay niyad-jab wayn.

Wararka Soomaaliya

Sheekha ayaa marka hore dhaliilay sida loo maamulay doorashadaas oo ay ku tartameen in ka badan 30 urur oo isku soo sharraxay golaha wakiilada cusub iyo kuwa deegaanka ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq oo faah-faahin dheeri ah bixiyay ayaa shaaca ka qaaday in aysan fileyn waxa dhacay, gaar ahaan in la xir-xiro wakiiladii ay u dirsadeen qaar kamid ah goobaha cod-bixinta ee deegaannada maamulkaasi.

Sidoo kale, wuxuu u tacsiyeeyay dhibanayaasha iyo dad uu sheegay inay dhaawcyo soo gaareen intii ay socotay doorashada, ayna uga xun yihiin dhibaatada gaartay.

Faahfaahinta

“Waxa dhacay arrin aan raalli ka nahay ma ahan arrin aan filaneynay ma ahan, mana ahan arrin aan u fadhinay haddii aan nahay ururradii oo dhan. Doorasho qof iyo cod ah xor iyo xalaal ah ayaan abaabulnay oo aan ka shaqeynay,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Maxamad Shaakir Cali Xasan.

Waxaa kale oo uu intaas raaciyay “Doorasho lagu dilayo lagu dhaawacayo codkooda lagu caburinayo uma istaagin laakiin wax dhacay waayay. Waxaan u tacsiyeynayaa wakilladii urur kasta ha ahaadeen xabsiga ku galay, waxna lagu gaarsiiyay arrinkaas raalli kama nihin,” ayuu markale yiri.

Saamaynta

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo saameyn wayn ku leh gobollada dhexe ayaa farriin culus u diray guddiga doorashada, isaga oo ugu baaqay in ay soo bandhigaan natiijo doorasho oo ku salaysan caddaalad.

Waxaa kale oo uu ku dooday in ururradu ay haystaan natiijooyinkooda hordhaca ah, ayna u qoran yihiin codadka ay ka heleen goobaha cod-bixinta, maadaama ay u dirsadeen wakiilo goob joog ahaa maalintii doorashada.

“Urur walba way u qoran tahay goob kasta ee seejooyinka la geeyay natiijadeeda, waxaana sugeynaa natiijadaas,” ayuu kusii daray Sheekh.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img