22.4 C
New York

Dowladda Puntland oo xarigga ka jartay mashaariic laga hirgeliyey Dhahar.

Published:

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay weheliyeen Mas’uuliyiin katirsan dowladda Puntland, maamulka…

Wararka Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay weheliyeen Mas’uuliyiin katirsan dowladda Puntland, maamulka gobolka Haylaan, kan degmada Badhan iyo qaar kamid ah waxgaradka deegaanka ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Degmada Dhahar, xarunta Gobolka Haylaan.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, madax ka socotay Wasaaradaha Maaliyadda, Caddaaladda, Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud, Kalluumeysiga iyo Caafimaadka, iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Bangiga Dowladda Puntland. Waxaa sidoo kale goobta joogay xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyey hirgelinta mashaariicdan.

Xarumaha maanta si rasmi ah loo daahfuray waxaa ka mid ahaa Xarunta Maamulka Gobolka Haylaan, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, Xarunta Garsoorka, Xarunta Bangiga Dowladda Puntland iyo Taliska Qaybta Gobolka. Dhismayaashan cusub ayaa la filayaa inay sare u qaadaan tayada adeegyada dowladda iyo hufnaanta maamulka gobolka.

Faahfaahinta

Mashaariicdan horumarineed ayaa muddo dheer ahaa baahi ay qabeen shacabka ku nool Gobolka Haylaan. Hirgelintooda ayaa la filayaa inay fududeyso helitaanka adeegyada muhiimka ah ee dowladda, isla markaana ay xoojiso isku xirka hay’adaha dowladda iyo bulshada deegaanka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo hore u dhagax-dhigay mashaariicdan, ayaa sheegay in maanta ay miro-dhaleen dadaalladii lagu xaqiijinayey hirgelintooda. Waxa uu xusay in Dowladda Puntland ay si joogto ah uga shaqaynayso fulinta mashaariic horumarineed oo wax ka beddelaya nolosha bulshada kana qayb qaadanaya kobaca adeegyada aas-aasiga ah.

Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyey in horumarinta kaabeyaasha dowladda ay tahay tiir muhiim u ah dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo kor u qaadista kalsoonida shacabka. Wuxuu sidoo kale ku boorriyey hay’adaha loo dhisay xarumaha cusub inay si hufan ugu adeegaan bulshada, isla markaana ilaaliyaan hantida dowladda.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img