20.5 C
New York

Wararka: Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Ciidamada badda Afrika…

Published:

aad ee Ciidamada Badda Afrika ee (The Fourth African Maritime Forces Summit), kaas oo ay ka qayb-gelayaan in ka badan 40-dal oo Afrika ah oo ay Soomaaliya kujirto.

Wararka Soomaaliya

Shirkaan waxaa diiradda lagu saarayaa horumarinta Ciidamada Badda Afrika, cirib-tirka kooxaha Burcad-badeeda, la dagaalanka Kalluumeysiga sharci-darrada ah, ka hor tagga Argagixisada Badda iyo Khataraha tiknoolajiyadeed ee soo ifbaxaya iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga u dhexeeya Ciidamada Badda ee dalalka Afrika.

Taliyaha Ciidanka Badda General Cabdiwahaab, ayaa shirka ka sheegay guulaha waaweyn oo ay Soomaaliya ka gaartay adkaynta ammaanka iyo xasiloonida guud ahaan dalka gaar ahaan xeebaha Soomaaliya, wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay xaqiijisay xakamaynta iyo la dagaalanka Burcad-badeeda, Kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo khataraha kooxaha Argagixisada ah, isagoo tilmaamay inay wadaan kor u qaadista tayada Ciidanka Badda Soomaaliya.

Shirkan ayaa laga soo saari doonaa War-murtiyeed loo dhan yahay oo ku salaysan adkaynta ammaanka xeebaha iyo iskaashiga dhamaan dalalka Africa ee dhinaca xeebaha.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img