kordhin laba sano ah oo ciidamada dalkaasi ay ku sii joogayaan Soomaaliya, iyadoo muddada cusub ay bilaabanayso bisha Luulyo 2027
Wararka Soomaaliya
Go’aankan ayaa yimid kadib codsi rasmi ah oo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan u gudbiyey Baarlamaanka.
Go’aanka cusub kuma koobna oo keliya kordhinta muddada joogitaanka ciidamada, balse waxa uu sidoo kale ballaarinayaa baaxadda howlgalka Turkiga ee Soomaaliya, iyadoo ciidamada loo oggolaanayo inay ka howlgalaan berriga iyo badda Soomaaliya.
Turkiga ayaa muddo sanado ah Soomaaliya ka waday tababar ciidan, la-talin amni iyo iskaashi dhanka difaaca ah. Dowladda Turkiga waxay sheegtay in joogitaanka ciidamadeedu uu qayb ka yahay xoojinta awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya iyo taageeridda dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha hubeysan.
Faahfaahinta
Dhanka kale, go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan ciidamada shisheeye ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.
Dadka falanqeeya arrimaha amniga ayaa isweydiinaya in kordhinta joogitaanka ciidamadani ay horseedi doonto isbeddel muuqda oo dhanka amniga ah, maadaama Turkigu uu kaalin weyn ku leeyahay tababarka iyo qalabaynta ciidanka xoogga dalka.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

