23.3 C
New York

Wararka: Baarlamaanka Turkiga oo go’aan ka gaaray qaraarkii Erdogan…

Published:

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyey in laba sano oo dheeraad ah loo kordhiyo muddada ay ciidamada dalkaas ka howlgalayaan Soomaaliya, iyagoo taageeraya howlgallada ka dhanka ah argagixisada, burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, tahriibka iyo khataraha kale ee dhinaca amniga.

Wararka Soomaaliya

Mooshinka oo uu saxiixay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa waxaa meel mariyey Golaha Qaranka Turkiga, wuxuuna dhaqan-geli doonaa 27-ka July 2026, isaga oo socon doona ilaa 27-ka July 2028.

Oggolaanshaha cusub wuxuu madaxweynaha Turkiga siinayaa awood uu ku go’aamiyo tirada ciidamada, goobaha ay ka howlgeli doonaan, muddada iyo baaxadda howlgalka.

Ciidamada Turkiga ayaa ka shaqeyn kara gudaha Soomaaliya, dhul-badeedkeeda iyo deegaanno kale oo ay si wadajir ah u go’aamiyaan labada dowladood.

Faahfaahinta

Waxay sidoo kale la shaqeyn karaan dalal saddexaad iyo hay’ado caalami ah marka loo baahdo, iyadoo lagu saleynayo heshiisyada u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho.

Danjirihii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya, Cemalettin Kani Torun, ayaa xildhibaannada u sheegay in mooshinkan aanu ahayn oo keliya oggolaansho militari oo caadi ah.

“Anigu Soomaaliya kama eego fayl miis yaalla, balse waxaan ka eegaa sannadihii aan halkaas ku noolaa,” ayuu yiri Torun.

Saamaynta

Wuxuu sheegay in saameynta Turkiga ee Soomaaliya aysan ku dhisneyn oo keliya joogitaanka ciidamadiisa, balse ay ku tiirsan tahay kalsoonida ay Ankara ka dhex dhisatay Soomaalida.

“Tallaabo kasta oo Soomaaliya laga qaadayo waa inay ilaalisaa kalsoonida uu Turkigu dhisay,” ayuu yiri.

“Awooddeena ugu weyn ee Soomaaliya ma aha joogitaankeena militari, balse waa kalsoonida ay dhinacyadu nagu qabaan.”

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img