26.3 C
New York

Fahiima Quuje oo iscasishey Waqooyi Bari dibna ugu laabatay Somaliland.

Published:

Xildhibaanad Fihiima Yuusuf Cabdullaahi Quuje oo Katirsanayd Barlamaanka Maamulka Waqooyi Bari

Xildhibaanad Fihiima Yuusuf Cabdullaahi Quuje oo katirsanayd barlamaanka maamulka Waqooyi Bari ayaa shaacisay inay ka tanaasushey qaddiyaddii Soomaali-weyn isla markaana ay iscasishey xilkii ay ka haysay Waqooyi Bari.

Waxay sheegtay inay go’aansatay inay ka joogsato xilkii iyo xubinnimadii Baarlamaanka Waqooyi-bari ee ay ka tirsanayd, ayna dib ugu laaban doonto maamulka Somaliland Somaliland oo ay ka baxday 2023.

Fihiima waxay tilmaantay inay mustaqbalka faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonto sababaha ka dambeeya go’aannadan iyo waxa ku kallifay isbeddelka mowqifkeeda siyaasadeed. Ilaa iyo hadda, ma aysan shaacin warbixin dheeraad ah oo sharraxaysa arrimahaas.

Wararka.so — your trusted source for global news.

Related articles

Recent articles

spot_img