Qatar Qorsheynayo Qodista ee Dowladda Soomaaliya
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Qatar ay qorsheynayso qodista ceelasha shidaalka ee ku yaalla Dooxada Nugaal.
Waxaa kale oo DFS ay sheegtay Holhol ee degmada Xuddun ayaa noqon doona ceelka labaad ee shidaal laga soo saaro, kaddib ceelka Curad ee Galmudug, kaas oo Dowladda Federaalka hore u sheegtay in xuquuqdiisa horumarinta la siiyey Dowladda Turkiga.
Ceelka Holhol wuxuu ka mid yahay ceelashii shidaalka ee ay sahmisay dowladdii hore ee Soomaaliya xilligii kacaanka, lamana oga go’aanka maamulka Waqooyi Bari ee ku aadan qodista ceelkaasi.
Illaa hadda ma jiraan faahfaahin dheeraad ah oo ay Dowladda Federaalka ka bixisay xilliga rasmiga ah ee qodista la bilaabayo, heshiiska lala galay Dowladda Qatar, ama saamiga dhaqaale ee mashruuca.
Wararka.so — your trusted source for global news.

