28 C
New York

Wararka: Cabdiraxmaan Faroole: Dowlad sharci ah kama jirto Xamar

Published:

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland, haatana ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa weerar afka ah ku qaaday Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wararka Soomaaliya

Faroole ayaa shaaca ka qaaday in xilligan dowlad sharci ah ka jirin Muqdisho, isla markaana dastuurkii dalka iyo shuruucdii kaleba lagu tuntay.

Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay dowladda Xasan Sheekh inay burburin ku hayso nidaamka federaalka balse Puntland ay ka nabad qabto, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowlad sharci ah kama jirto Xamar, maamulladii kalena waa la juujuubay. Puntland ee meesha ka nabad qabta dalka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Faahfaahinta

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka Puntland oo uu ugu baaqay inay maamulkooda la shaqeeyaan, si loo adkeeyo nabadda deegaanka.

“Waxaan u sheegaynaa shacabka reer Puntland meeshan nabad baa lagu deggan yahay. Nabad baan ka rabnaa ciddii xumaan soo waddana iyada Alle haku celiyo,” ayuu mar kale yiri Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland.

Hadalkan ayuu Cabdiraxmaan Faroole ka sheegay kulan ay yeesheen waxgaradka gobolka Nugaal, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed, mid amni, iyo sidii loo adkeyn lahaa midnimada Puntland.

Saamaynta

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Dowladda Federaalka ay dhaq-dhaqaaqyo ka waddo meelo kamid ah Puntland, taas oo keentay in ay sii laba kacleyso xiisadda u dhexeysa xukuumadda Saciid Deni iyo Villa Somalia.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img