28.9 C
New York

Wararka: Dagaalka Bariga Dhexe oo dib u qarxay iyo Iiraan oo beegsa…

Published:

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay inay weerarro ku beegsadeen xarumo militari iyo kaabayaal muhiim ah oo ku yaalla dalalka Kuwait iyo Bahrain, kuwaas oo ay ku jiraan saldhigyada Arifjan iyo Ali Al Salem ee Kuwait, iyo saldhigyada Juffair iyo Sheikh Isa ee Bahrain.

Wararka Soomaaliya

Qoraal ay soo saareen Ilaalada Kacaanka Iran ayaa lagu sheegay in bartilmaameedyadu ahaayeen “kaabayaasha iyo xarumaha muhiimka ah” ee saldhigyadaas, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin nooca hubka la adeegsaday ama khasaaraha ka dhashay weerarrada.

Saldhigga Arifjan ee Kuwait iyo saldhigga Ali Al Salem ayaa ah goobo ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin joogitaan militari, halka Bahrain ay martigeliso xarumo muhiim u ah ciidamada badda Mareykanka ee gobolka Khaliijka.

Wararkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadaha militari ee Bariga Dhexe ay sare u kaceen, iyadoo dalal badan oo gobolka ah ay walaac ka muujinayaan suurtagalnimada in colaadaha ay ku fidaan dalalka deriska ah.

Faahfaahinta

Mareykanku dhankiisa weli kama hadlin weerarradana, lamana oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay ama xaaladda saldhigyada la sheegay in la bartilmaameedsaday.

weerarradan ayaa noqonaya tallaabo cusub oo sii kordhinaysa xiisadda u dhexeysa Iran iyo xulafada Mareykanka ee gobolka Khaliijka, iyadoo saldhigyada militari ee Mareykanka ay muddo dheer ahaayeen bartilmaameed ay Iiraan uga digtay haddii ay dhacaan dagaallo ballaaran oo gobolka ka qarxa.

Mareykanka ayaa saacado ka hor duqeeyay in ka badan 80 bartilmaameed oo gudaha Iiraan ku yaalla, iyadoo la sheegay in ku dhowaad 10 askari ay ku dhinteen duqeymahaas, waxayna xaaladda u muuqataa mid faraha ka sii baxaysa ka dib todobaadyo xabad-joojin ah.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img