28.9 C
New York

Wararka: FƁI oo $150,000 Dul Dhigtay Xogta lagu Soo Qaban karo Faha…

Published:

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI ayaa soo saartay ogeysiis raad-raac ah oo ku saabsan Fahad Mohamed Nur, oo ah Soomaali American iyadoo sheegtay inuu wajahayo eedeymo la xiriira khiyaano maaliyadeed iyo lacag-dhaqid.

Wararka Soomaaliya

Sida ku cad ogeysiiska ay soo bandhigtay FBI, eedeymaha ayaa la xiriira baaritaan ku saabsan lacago laga bixiyay barnaamijyo gargaar iyo quudin carruur ah intii lagu jiray xilligii cudurka COVID-19 ee dalka Mareykanka.

FBI ayaa sheegtay inay bixinayso abaalmarin dhan $150,000 oo la siin doono cid kasta oo bixisa xog horseedi karta qabashada iyo maxkamadeynta eedeysanaha.

Ogeysiiska ayaa sidoo kale xusay in shakhsiga la raadinayo uu xiriir la leeyahay Soomaaliya, isla markaana laga yaabo inuu ku sugan yahay Soomaaliya ama meelo kale.

Faahfaahinta

Waxa ay ku eedeyeen in uu lunsaday Shan Milyan oo doollar.

Hay’adaha ammaanka ee Mareykanka ayaa ugu baaqay dadka haysta xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay shakhsigan inay la xiriiraan laamaha baarista si loo taageero dadaallada lagu doonayo in lagu soo qabto.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img