28.9 C
New York

Wararka: Wajiga 2-aad ee Wada-hadallada Doorashooyinka oo Maanta ka…

Published:

hadallada la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo ay ka qeyb galayaan guddiyo iyo dhinacyo kala duwan oo siyaasadeed.

Wararka Soomaaliya

Guddiga Farsamada ee matalaya Mucaaraadka iyo dowladda ayaa guda galay wejigan cusub ee wada-hadallada, iyagoo ka duulaya aragtida oo ku saleysan in wadajir, wadatashi iyo midnimo looga gudbi karo xaaladaha siyaasadeed ee murugsan ee dalka ka jira.

Guddiga sare mucaaradka ku matalaya wada-hadalladan ayaa lagu wadaa inay maanta soo bandhigaan nooca doorasho ee ay aaminsan yihiin inay dalka ka qabsoomi karto, iyo sidoo kale shuruudaha iyo tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah hirgelinta nidaamkaas doorasho.

Wada-hadalladan ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah jihada siyaasadeed ee dalka, xilli Soomaaliya ay wajahaysay dood iyo kala aragti duwanaansho ku saabsan hannaanka doorashooyinka soo socda.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img