25.3 C
New York

Wararka: Iran oo jawaab ka bixisay duqaymihii Maraykanku ku qaaday.

Published:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu jebiyay ballanqaadyadii iyo heshiisyadii la…

Wararka Soomaaliya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu jebiyay ballanqaadyadii iyo heshiisyadii la xiriiray xabbad-joojinta, isla markaana uu sii wado hanjabaado militari iyo cadaadis.

Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa sheegay in Iran aysan u hoggaansami doonin waxa uu ku tilmaamay “caga-jugleyn” isagoo carrabka ku adkeeyay in haddii weerarro kale lagu soo qaado dalkiisa, Tehran ay ka jawaabi doonto si ka adag.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in marinka Hormuz uu furnaan doono oo keliya iyadoo lagu saleynayo go’aannada Iran, balse uusan ku furmi doonin cadaadis ama hanjabaad uga timaadda Mareykanka.

Faahfaahinta

Ilaalada kacaanka Iiraan oo ka jawaabaya duqaymaha Maraykanka ee dalkooda ayaa weeraro culus ku qaaday saldhigyada Maraykanka ee gobolka gaar ahaan Bahrain & Kuwait, iyadoo Tehran aysan weerarin dalalka Sucuudiga, Imaradka iyo Cuman oo la sheegay inay bixiyeen dhaqaale si ay uga badbaadaan weerarada Tehran.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img