Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka weli kala dhexeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Wararka Soomaaliya
Sheekh Shariif oo wax laga waydiiyay dagaalkii dhawaan ka dhacay Muqdisho ayaa bixiyay xog cusub, isaga oo shaaciyay in dhinacyo kale ay ku gacan siiyeen dagaalka ay la galeen ciidamada dowladda oo si gaar ah uga dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.
Shariifka ayaa sheegay in iyagu wateen kaliya ilaaladooda, balse ay dagaalka ay kusoo biireen rag kale oo ay qaraabo iyo saaxibo yihiin, ayna ka caawiyeen in ciidamada dowladda ay iska caabiyaan, maadaama uu qarxay dagaal toos ah.
“Ciidanka horta annaga nala socday waa ilaaladeynii ciidan kale oo meesha joogay ma jirin dad deggan meesha oo qaraabanimo ama saaxibnimo ay nagala dhexeyso oo u arkaayay in nala dulminaayo oo iyagana qayb ka qaatay dagaalka way jireen, laakiin annaga meesha waxaan la tagnay waxay ahaayeen ilaaladeen oo weliba qaar halkaan uga tegnay,” ayuu yiri Shariif.
Faahfaahinta
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ay ku baxsadeen difaacyo ay lahaayeen guryaha ay daganaayeen, kuwaas oo uu tilmaamay in markii horeba loo sameeyay in lagu baxsado haddii uu culays yimaada, sida uu hadalka u dhigay.
“Guryaha aan annaga dageynay dabcan magaalada maadaama uu culays badan ka jiro waxaa loo sameeyay meelo gabaad ah oo haddii culays yimaado looga gamba karo ee wax la sameeyay xilliga uu dagaalka socday ma jirin,” ayuu raaciyay.
Dhanka kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo wax laga waydiiyay halka uu ku dambeeyay dibadbixii mucaaradka ayaa sheegay in aysan weli ka tanaasulin, isla markaana uu yahay xaq dastuuri ah, ayna qaban doonaan.
Saamaynta
“Banaanbaxa weli kama tanaasulin xuquuq dastuuri ah waayay qof walba xaq ayuu u leeyahay inuu ra’yigiisa cabbiro oo si nabad ah bannaanka ugu soo baxo,” ayuu mar kale yiri wareysiga ku yiri madaxweynihii hore ee dalka.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda Villa Somalia iyo mucaaradka, waxaase haatan bilowday wada-hadallo u dhexeeya labada dhinac oo ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka, si xal loo gaaro.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

