ta Dowladda Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan…
Wararka Soomaaliya
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan muhiim ah oo looga hadlayay xaaladda amniga ee Gobolka Mudug.
Kulanka ayaa waxaa ku weheliyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland, iyadoo shirka diiradda lagu saaray xoojinta amniga gobolka, dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga, iyo sidii looga hortagi lahaa fal kasta oo wax u dhimi kara nabadgelyada shacabka.
Shirka waxaa ka qayb galay Taliye Ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Gashaanle Ayuub Siciid Cali (Dheeg) saraakiil kala duwan oo ka tirsan laamaha amniga, iyo saraakiisha amniga difaaca Puntland, kuwaas oo warbixinno ka bixiyay xaaladda amniga iyo howlaha ay wadaan.
Faahfaahinta
Wasiir Ku-xigeenka ayaa faray laamaha amniga inay sii laba-jibaaraan dadaallada lagu sugayo amniga, isla markaana ay si dhow iskula shaqeeyaan bulshada si loo adkeeyo nabadda iyo xasilloonida Gobolka Mudug.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

