Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka…
Wararka Soomaaliya
Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada deegaanka ee ku sugan deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka ayaa ciidamada ku bogaadiyey geesinimada, naf-hurnimada iyo guulaha ay ka gaareen hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu ciribtirayo kooxda, si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga dalka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa caddeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta taageerada la siiyo ciidamada, isla markaana la dardargelinayo hawlgallada ka socda furimaha dagaalka si loo xoreeyo deegaannada ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Faahfaahinta
Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku ammaanay heegankooda iyo diyaargarowgooda, isagoo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta iyo isku-duubnida. Waxa uu sheegay in hawlgalladu ay u socdaan si qorsheysan, isla markaana ay sii socon doonaan ilaa laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

