26.7 C
New York

Wararka: NISA oo Shabeellaha Dhexe ku dishay horjoogeyaal ka tirsan…

Published:

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku khaarijiyay siddeed xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogeyaal muhiim u ahaa weerarrada kooxda.

Wararka Soomaaliya

Howlgalka ayaa lagu beegsaday goob ay xubnaha Al-Shabaab ku shirayeen oo ku taalla hareeraha jiinka webiga ee duleedka Basra, halkaas oo lagu dilay horjoogihii kooxda u qaabilsanaa miinooyinka iyo horjoogihii fulinta weerarrada hoobiyeyaasha nooca 107mm, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Eybka Caalim (Daqare), iyo lix xubnood oo kale oo ka tirsanaa kooxdiisa.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka NISA, howlgalka ayaa jab culus ku noqday shabakaddii kooxda u qaabilsaneyd qorsheynta iyo fulinta weerarrada hoobiyeyaasha ah.

Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in xog sirdoon ay xaqiijisay in kooxda Al-Shabaab ay meydadka horjoogeyaashii lagu dilay ka qaadeen goobta, islamarkaana si qarsoodi ah ugu aaseen deegaan kale.

Faahfaahinta

NISA ayaa xustay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab iyo burburinta shabakadaha qorsheeya weerarrada argagixisada ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada dowladda.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img