26.7 C
New York

Wararka: Fannaankii caanka ahaa Cabdullaahi Boqol oo ku geeriyooday…

Published:

Alle ha u naxariistee, waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday fannaankii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Cabdullaahi Maxamuud Cabdulle, oo bulshada Soomaaliyeed ay si weyn ugu taqaanay magaca Cabdullaahi Boqol.

Wararka Soomaaliya

Marxuumka ayaa ka mid ahaa fannaaniintii muddada dheer ka soo dhex muuqanayay fanka Soomaaliyeed, isaga oo caan ku ahaa heesihiisa iyo doorkii uu ku lahaa kobcinta hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Ninkaan oo sanadyaddii lasoo dhaafay kunoolaa dalka Mareykanka ayaa billihii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.

Geeridiisa ayaa murugo gelisay bahda fanka, qoyskiisa, asxaabtiisa iyo kumannaan qof oo taageerayaashiisa ahaa.

Faahfaahinta

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin sababta geeridiisa, hase yeeshee waxaa isa soo taraya farriimaha tacsida ah ee ay dirayaan mas’uuliyiin, fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Cabdullaahi Boqol ayaa lagu xusuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa fanka Soomaaliyeed iyo raadkii uu ku reebay suugaanta iyo madadaalada dalka.

Alle ha u naxariisto Cabdullaahi Maxamuud Cabdulle (Cabdullaahi Boqol), samir iyo iimaanna haka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, bahda fanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee geeridiisa ka murugooday.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img