26.7 C
New York

Wararka: Puntland oo si adag u diiday in Turkiga uu soo gaaro xeeba…

Published:

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga horyimid in Turkiga uu xeebaheeda ka fuliyo howl-gallo la xiriira ilaalinta xeebaha iyo kalluumeysiga, xilli dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ay gaareen heshiis la xiriira arrintaan.

Wararka Soomaaliya

War-saxaafadeedka kasoo baxay maamulka ayaa lagu sheegay in Puntland ay dastuur ahaan iyo sharci ahaan u leedahay awoodda maamulka, ilaalinta, sahaminta iyo ka faa’iysiga dhammaan kheyraadka ku jira dhulkeeda iyo baddeeda.

Waxay xustay in xeebaha Puntland oo dhererkoodu gaarayo ku dhowaad 1,600KM, kuna teedsan Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed ay yihiin hanti uu leeyahay shacabka Puntland.

Maamulka ayaa si gaar ah u sheegtay inaysan oggolaan doonin in shirkadda laga leeyahay Turkiga ee SOMTURK ay ka fuliso xeebaheeda wax howlgallo ah oo la xiriira kalluumeysiga, ilaalada xeebaha ama adeegyo kale, iyadoo aan oggolaansho ka helin hay’adaha awoodda u leh ee Puntland.

Faahfaahinta

Waxay intaas ku dartay in go’aankan uu ku saleysan yahay qodobbada dastuurka federaalka KMG ah iyo dastuurka Puntland, kuwaas oo qeexaya in maamulka iyo ka faa’iysiga kheyraadka dabiiciga ah ay u baahan yihiin wadatashi iyo heshiis dhex mara Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, Puntland ayaa ku doodday in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan sharci ahaan u lahayn inay bixiso rukhsado ama heshiisyo maalgashi oo khuseeya dhulkeeda ama baddeeda, iyadoo aan marka hore heshiis iyo wadatashi la yeelan maamulka Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Puntland ku tilmaamtay in muddo-xileedkoodii sharciyeed uu dhammaaday, aysan lahayn awood ay heshiisyo ula galaan shirkado gudaha ama dibadda ah oo khuseeya kheyraadka ku jira deegaannada Puntland.

Saamaynta

Puntland ayaa farriin u dirtay beesha caalamka, dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo ku adkeysatay inaysan aqbali doonin wax faragelin ah oo lagu sameeyo xeebaha ku teedsan Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, haddii aan oggolaansho rasmi ah laga helin maamulka Puntland.

Ugu dambeyntiina, maamulka Puntland ayaa ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadi doono isku day kasta oo lagu fulinayo howlgallo ama lagu faragelinayo xeebaheeda iyadoo aan oggolaansho laga haysan, waxayna sheegtay in ciidamadeedu ay ka hortagi doonaan ficil kasta oo ay ku tilmaamtay mid baal marsan sharciga iyo dastuurka.

Go’aanka Puntland ayaa imanaya xilli uu meel sare marayo khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe, ayna geesta kale Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ay leeyihiin heshiisyo dhinacyada difaaca iyo maalgashiga ah oo ay qeyb ka yihiin arrimaha la xiriira badaha Soomaaliya. Sidoo kale, Turkiga ayaa haatan wada dhismaha xarun hawada sare ah oo Soomaaliya laga hirgelinayo.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img