35.6 C
New York

Somalia PM Denies Involvement in Indian Attack

Published:

Somalia PM Denies Involvement in Indian Attack

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geerida Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ku geeriyooday dalka Hindiya.

Madaxweynaha ayaa Imaamka ku tilmaamay haldoor qaran oo door weyn ka soo qaatay geeddi-socodkii nabadeynta dalka, dib u heshiisiinta bulshada iyo dadaalladii dib loogu dhisay dowladnimada Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf Cali uu ahaa shaqsi si weyn uga dhex muuqday bulshada Soomaaliyeed, isla markaana kaalin mug leh ku lahaa horumarinta nabadda iyo wadajirka shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle SWT uga baryay Marxuumka inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Related articles

Recent articles

spot_img