Guddiga Midowga Afrika (AUC) ayaa isugu yeeray kulan degdeg ah oo ay yeelanayaan la-taliyeyaasha militariga iyo difaaca ee dalalka xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka (PSC), kadib markii Mareykanku si rasmi ah u sheegay inuusan sii taageeri doonin Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar 2026.
Wararka Soomaaliya
Warqad rasmi ah oo kasoo baxday Midowga Afrika ayaa sheegtay in Ergada Mareykanka u qaabilsan Midowga Afrika ay 1-dii Luulyo 2026 gudbisay ogeysiis rasmi ah oo lagu caddeeyay in Washington aysan taageeri doonin sii socoshada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ee adeegyada siiya AUSSOM marka uu dhammaado oggolaanshaha hadda jira.
Midowga Afrika ayaa ka digay in go’aankan uu saameyn weyn ku yeelan karo joogtaynta saadka, awoodda hawlgallada iyo maalgelinta howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.
Si arrintan looga tashado, Guddiga Midowga Afrika ayaa qabanaya kulan degdeg ah oo ka dhacaya xarunta Julius Nyerere Building ee magaalada Addis Ababa, maanta oo Jimce ah, 3-da Luulyo 2026, halkaas oo lagu falanqeyn doono saameynta go’aanka Mareykanka iyo tallaabooyinka xiga ee la qaadi karo.
Faahfaahinta
Kulanka waxaa lagu casuumay xubnaha Guddiga Shaqaalaha Militariga (Military Staff Committee) ee dalalka xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka, kuwaas oo ay ku jirto Soomaaliya.
Go’aankan Mareykanka ayaa imanaya xilli AUSSOM ay wajahaysay caqabado dhinaca maalgelinta ah, waxaana uu sare u qaadayaa walaaca ku saabsan sida loo sii wadi karo howlgalka taageeraya ciidamada amniga Soomaaliya haddii aan la helin ilo dhaqaale oo beddela taageerada Mareykanka.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

