More

    Maxaad ka ogtahay 17-kii ergay ee QM usoo magacowday Soomaaliya tan iyo 1992-kii?

    Published on:


    Muqdisho — 
    Dowladda Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobe weydiisatay in la soo geba-gebeeyo joogitaanka howlgalkeeda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya oo soo socday in ka badan 10 sano, sida ku cad warqad ay heshay VOA.
    Warqadda uu Golaha Ammaanka u diray wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayuu kaga codsaday “in la joojiyo shaqada howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ka dib markii aan si qoto dheer u tixgalinay istaraatiijiyadda aan mudnaanta siineyno.”
    Afhayeen u hadlay xafiiska UNSOM Ari Gaitanis oo ka jawaabaya codsigan ayaa sheegay in codsigan uu caddeyn u yahay shaqada qiimaha leh ee UNSOM uu ka qabtay taageeridda maamullada Soomaaliya.
    Waxa uu intaas ku daray inay wada-hadal kula jiraan dowladda federaalka Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin inay qaataan go”aanada Golaha Ammaanka.
    Xafiiska UNSOM ayaa waxaa 2013 aas-aasay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si uu mas’uuliyiinta Soomaaliya uga taageero u gudubka dimoqraadiyadda iyo sareynta sharciga ka dib in ka badan 20 sano ah oo ay dalka ka jireen dagaalo sokeeye, burcadnimo iyo kooxo argagixiso. UNSOM ayaa beddelay UNPOS oo soo shaqeynayey April 1995-kii ilaa June 2013.
    Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya usoo mahacawday 17 ergay, tan iyo 1992. Toban waxay kasoo jeedeen qaaradda Afrika, 4 Britain, 2 Mareykan, midna Ciraaq. Waxay kala ahaayeen:-1- Mohamed Sanoun, 1992, Algeria2- Ismat Kittani, 1992, Iraq3- Jonathan Howe, 1993, USA4- Lansana Kouyate, Guinea, Feb 1994 (Acting)5- Victor Gbeho, July 1994, Ghana6- Abdulhamid Kabia, 1996 (Sii-haye) Sierra Leone7- Flex Mosha, 1996, Tanzania8- David Stephen, September 1997, UK9- Winston Tubman, February 2002, Liberia10- Francois Fall, Guinea, 200511- Ahmadou Ould Abdalla, 2007 Mauritania12- Augustine Mahiga, 2010, Tanzania13- Nick Kay, 2013, UK14- Michael Keating, 2015, UK15- Nicholas Haysom, 2018, RSA16- James Swan, 2019, James Swan, USA17- Catriona Laing, 2023, Britain


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here