More

    Somaliland oo laga xusay sanadguurada 33-aad iyo Biixi oo ka hadlay dhameystirka heshiiskii Somaliland iyo Ethiopia

    Published on:


    Gobollada iyo degmooyinka Somaliland waxaa si balaadhan looga xusay sanad guuradda 33-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay ka go day Soomaaliya.
    Madaxda Xisbiga Waddani ayaa iyaguna ka qayb galay xuskan lagu qabtay Hargeysa.

    Somaliland 18 May

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka hadlay dhammeystirka heshiiskii is-afgaradka ahaa ee u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia.
    Warkan waxa Hargiesa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule.

    Dhinaca kale, munaasabad lagu xusayay 18-ka May oo lagu qabtay fagaaraha magaalada Boorame ayaa waxaa isku dhacay qaar ka mid ah dhallinyarada magaalada iyo ciidamada booliska. Booliska ayaa la sheegay in qaar ka mid ah dhalinyarada ay u taxaabeen saldhigga mooliska ee magaalada.
    Wariyaha VOA Gobolka uga soo warrama Haashim Sheekh Cumar Good ayaa arrintan iyo sida munaasabaddu u qabsoontay ka wareystay, Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland Saciid Habane.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here