Qaahira —
Shirkadda diyaaradaha Masar ee EgyptAir ayaa sheegtay inay billaabayso duulimaadyo cusub oo ay ku tagayso Jabuuti iyo Muqdishu 11-ka bisha Juulaay ee soo socotaa.
Arrintan ayaa imanaysa iyadoo la filayo shrikadda kale ee FlyDubai inay hakiso duulimaadyada Muqdisho.
Haaruun Macruuf ayaa arrimahan ka waraystay Maareeyaha Hay’adda Duuliista Rayidka Soomaaliya Axmed Macallin Xasan.