38.8 C
New York

Wararka: Mareykanka oo ballanqaaday sii wadidda taageerada Soomaaliya

Published:

guurada ka soo wareegtay markii gobollada Koonfureed ay xorriyadda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga, isla markaana uu dhacay midowgii Waqooyi iyo Koonfur.

Wararka Soomaaliya

Qoraal ka soo baxay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu shacabka Soomaaliyeed la wadaagayo farxadda maalinta qaran.

“Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Mareykanka, waxaan hambalyo u dirayaa shacabka iyo Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya munaasabadda 66-guurada Maalinta Qaranka,” ayuu yiri Rubio.

Sidoo kale wuxuu xusay in Mareykanku uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta dowlad-dhiska.

Faahfaahinta

“Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed halgankooda ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa, iyo dadaalladooda ay ku dhisayaan mustaqbal barwaaqo badan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay rajeynayso in sannadka soo socda si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta nabadda iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Hadalkaan cusub ee ka soo baxay Washington ayaa si weyn uga duwan hadalladii hore ee lagu yaqiinay maamulka Trump , kuwaas oo marar badan Soomaaliya ku tilmaamay dal aan ka jirin dowlad iyo adeegyo dowladeed oo shaqeynaya.

Saamaynta

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in fariintan ay muujinayso isbeddel dhanka diblomaasiyadda ah iyo taageerada Mareykanka ee ku wajahan dowladda Soomaaliya iyo dadaallada dib u dhiska dalka.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img