35.6 C
New York

Wararka: Iiraan oo aas Qaran u samaynaysa hoggaamiyeheedii la diley…

Published:

Dowladda Iran ayaa maanta si rasmi ah u billaabaysa munaasabadda aaska hoggaamiyihii hore ee dalkaasi Ali Khamenei, iyadoo madax, diblomaasiyiin iyo wufuud ka kala socota dalal badan ay ku wajahan yihiin magaalada Tehran si ay uga qeybgalaan munaasabadda.

Wararka Soomaaliya

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Iiraan, aaska ayaa ka furmi doona Tehran, halka lagu soo gabagabeyn doono magaalada Mashhad, oo ah magaalada uu ku dhashay Khamenei.

Munaasabaddan ayaa socon doonta dhowr maalmood, iyadoo la filayo inay ka qeyb-galaan kumannaan qof oo gudaha dalka ah iyo marti sharaf caalami ah.

Ali Khamenei ayaa hoggaaminayay Iiraan muddo ku dhow afartan sano, isagoo door weyn ku lahaa siyaasadda gudaha iyo tan dibadda ee dalka.

Faahfaahinta

Intii uu xilka hayay wuxuu si joogto ah u wajahay khilaafyo kala dhexeeyay Maraykanka iyo Israa’iil, wuxuuna saameyn muuqata ku lahaa siyaasadda Bariga Dhexe.

aaska hoggaamiyahan oo 4 bilood ka hor lagu diley duqeymo ay Israa’iil iyo Mareykanku fuliyeen ayaa ku soo beegmaya xilli gobolka uu weli wajahayo xiisado amni iyo siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, isla markaana ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img