38.8 C
New York

Wararka: Kursigii uu banneeyay Aadan Madoobe oo lasoo buuxiyay – Ya…

Published:

Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi ka bannaanaaday Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo haatan lasoo buuxiyay.

Wararka Soomaaliya

Kursiga oo tirsigiisu yahay HOP#18 ayaa waxaa dhawaan uun banneeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Aadan Madoobe oo maalmo kahor loo doortay Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa doorashada lagu soo buuxiyay kursigan qabtay, waxaana isku soo taagay laba musharrax oo kala ahaa Abuukaate Maxamed Cabdiraxmaan Aadan iyo Fardowsa Cali Axmed oo kahor tartanka sheegtay inay tanaasushay gabadha, balse doorashada ayaa loo maray habka gacan-taagga.

Intaas kadib waxaa codeyntii la sameeyay kusoo baxay Abuukaate Maxamed Cabdiraxmaan Aadan oo helay 96 cod, halka Fardowsa Cali Axmed ay iyana heshay 5 cod, sida uu ku dhawaaqay Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Faahfaahinta

Dhinaca kale, waxaa soconayo loollan xooggan oo loogu xilka guddoomiyaha Baarlamaanka ee uu banneeyay Sheekh Aadan Madoobe, isaga oo xilkaas si KMG ah ugu wareejiyay guddoomiye ku xigeenka koowaad Sacdiya Yaasiin.

Siyaasiyiin kasoo jeedo Koonfur Galbeed, oo saami ahaan leh kursiga ayaa haatan wada olole ay ku doonayaan inay kusoo buuxiyaan xilkaas, si ay Baarlamaanka u hoggaamiyaan muddada kooban ee u hartay.

Xubnaha u hanqal taagaya xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa kamid ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudah Saadaad Maxamed Nuur (Caliyow), kuwaas oo dhamaan ah xidhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

Saamaynta

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa indhawaan uu si rasmi ah u furmo, isla markaana uu guda galo shaqadiisa, waxaana ugu horreeyay doorashada xilka guddoomiyaha, si loo soo buuxiyo kadibna loo guda galo shaqooyinka kale.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img