Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlayey xuska 1da Luuliyo ayaa si adag uga hadlay…
Wararka Soomaaliya
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlayey xuska 1da Luuliyo ayaa si adag uga hadlay xaaladda guud ee dalka, arrimaha ammaanka, doorashooyinka Somalia iyo mawqifka Puntland.
“Waxaa la laalay dastuurkii kumeel gaarka ahaa, waxaa lagu ciyaaray hay’adihii dowladda, waxaa takrifal lagu sameeyey ciidankii dowladda iyadoo loo adeegsanayo ujeedooyin siyaasadeed”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Madaxweynaha oo ka hadlayey dagaaladii ka dhacay Muqdisho 3-dii 6aad 2026, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay weeraradii lagu qaaday guryaha Madaxweyne hore Sheekh Shariif iyo Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre,”Waxaa nasiib-darro ah in meel ay ku shirayaan siyaasiyiinta iyo isimada beel Soomaaliyeed hoobiyayaal iyo diyaarado dagaal lagu weeraray, Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday wuxuu ku hoggaamiyey beeshaasi si uu haldoorkeed u baabi’iyo.”
Faahfaahinta
Madaxweynaha Puntland ayaa si adag uga hadlay mawqifka Puntland ee midnimada Somalia, qorshaha DFS ciidamada kaga qoranayso Puntland iyo eedaymo ka soo yeeray Madaxda dowladda Somalia.
“Marna ma aqbalayno mid waxyeeleeya bilicda iyo amniga Puntland, ciidanka Puntland oo aad ogtihiin wixii ay ka dhigeen Cal-miskaad waa diyaar, ninkii xukun raba yuusan shilimaad qaadan ee banaanka ha yimaado, waa maqlaynaa ciidamada la leeyahay waa la qoranayaa iyo hadalada xun ee la wareejinayo”, Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in midnimada Soomaaliyeed ka tahay dhab aysanna Puntland ka tanaasuli doonin, wuxuuna ugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu miiska soo saaro talada iyo xukunkii loo dhiibey ee dalka.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

