35.6 C
New York

Wararka: Maamulka Israa’iil oo qirtay inuu kumanaan weerar oo dhank…

Published:

Mas’uuliyiinta maamulka Israa’iil ayaa sheegay in ay si weyn u kordheen weerarrada dhanka internetka (cyberattacks) ee ay ku eedeeyeen Iiraan, tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iran dabayaaqadii bishii Febraayo.

Wararka Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Amniga Internetka Israa’iil, Yossi Karadi, ayaa wargeyska Jarmalka ee Die Welt u sheegay in bishii Juun ee sanadkan la diiwaangeliyay 4,800 weerar oo internet ah, halka bishii Juun ee sanadkii hore ay ahaayeen 1,600 weerar, taasoo muujinaysa koror saddex jibbaar ku dhow.

Karadi ayaa sheegay in weerarradu ay beegsadeen kaabayaasha muhiimka ah ee Israa’iil, hay’adaha dowladda, shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah, iyo sidoo kale shakhsiyaad.

Mas’uulkan ayaa sheegay in la fashiliyay isku dayadii lagu beegsanayay kaabayaasha muhiimka ah ee dalka, hase yeeshee wuxuu qiray in shirkado badan oo difaacoodu daciif ahaa ay la kulmeen burbur ku yimid nidaamyadooda kombiyuutarrada kadib markii la jabsaday.

Faahfaahinta

Waxa uu sidoo kale xusay in tan iyo bishii Maarso, Israa’iil ay noqotay dalka saddexaad ee ugu badan adduunka ee la kulma weerarrada dhanka internetka.

Karadi ayaa intaa ku daray in ay sii kordheen weerarrada lagu carqaladeynayo adeegyada muhiimka ah, kuwa lagu bartilmaameedsanayo xarumaha caafimaadka, iyo isku dayada lagu jabsanayo kamaradaha ilaalada iyo shabakadaha kombiyuutarrada.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa ku eedeysay Iiraan inay hoggaaminayso inta badan weerarradan iyadoo adeegsanaysa in ka badan 20 kooxood oo abaabulan, oo ay ku jirto kooxda lagu magacaabo “Hanzala”, iyadoo Israa’iil ay sheegtay in Tehran ay doonayso inay gaarto waxa ay ku tilmaantay “guul dhanka dijitaalka ah.”

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img