35.6 C
New York

Wararka: Morocco oo gaartey wareegga 16-ka & dalal waaweyn oo ka ha…

Published:

Tartanka kubadda cagta ee Koobka Adduunka ayaa si habsami leh uga socda dalalka Maraykanka, Canada iyo…

Wararka Soomaaliya

Tartanka kubadda cagta ee Koobka Adduunka ayaa si habsami leh uga socda dalalka Maraykanka, Canada iyo Mexico, waxaana wareegga 32-da ku haray dalal waaweyn oo loo saadaalinayey inay gaaraan wareegga 16-ka.

Xulka kubadda cagta ee Morocco ayaa noqday xulkii ugu horreeyey ee Afrika ee u gudba wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka 2026, kaddib markii uu rigoorayaal 3–2 kaga adkaaday Netherlands, iyadoo ciyaartu ku dhammaatay barbaro 1–1 120-kii daqiiqo. Guushan ayaa sidoo kale ka dhigtay Morocco xulkii afraad ee si rasmi ah u xaqiijiya booskiisa wareegga 16-ka.

Illaa iyo hadda, afarta xul ee si rasmi ah ugu soo baxay wareegga 16-ka waa Canada, Brazil, Paraguay iyo Morocco, Canada ayaa 1–0 ku reebtay South Africa, Brazil waxay 2–1 kaga adkaatay Japan, Paraguay-na waxay rigoorayaal ku reebtay Germany, halka Morocco ay rigoorayaal kaga adkaatay Netherlands.

Faahfaahinta

Dhanka kale, quwadihii Yurub ee Germany iyo Netherlands ayaa si lama filaan ah uga haray tartanka, waxaana maanta iyo maalmaha soo socda la ciyaari doonaa kulamada harsan ee wareegga 32-ka, kuwaas oo lagu soo dhammaystirayo xulalka u gudbi doona wareegga 16-ka. Morocco ayaa wareegga xiga la ciyaari doonta Canada.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img