38.8 C
New York

Wararka: Puntland oo digniin u dirtay siyaasiyiinta mucaaradka.

Published:

Wasiiro katirsan dowladda Puntland ayaa safar shaqo ku tegey degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal iyagoo qaybaha…

Wararka Soomaaliya

Wasiiro katirsan dowladda Puntland ayaa safar shaqo ku tegey degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal iyagoo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka kala hadlay midnimada bulshada, horumarinta deegaanka iyo ilaalinta nabadgelyada.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo qayb ka ah wafdiga wasiirada ayaa sheegay in xukuumadda la mucaaradi karo haseyeeshee aysan aqbali doonin mucaaradnimo dhaqaalaysan ama burburinta Puntland ka shaqaynaysa.

“Puntland jiritaankeedu waa muqadis, Deni iyo anagaba waa nala mucaaradi karaa laakiin mucaaradnimadu waa inay noqataa mid wax saxaysa laakiin aqbali mayno Puntland ayaan duminayaa”, Ayuu yiri Wasiir Cabdi Xirsi Cali.

Faahfaahinta

Wasiirka ayaa sheegay inaysan ku shaqayn doonin laab lakaca iyo kutirkuteenada lagu baahiyo baraha bulshada,”Anagu kuma shaqayno laab-lakac iyo buunbuuninta iyo kuwa leh hebel ayaa halkaan maray ama waraaq soo hormariyey dadka taladooda ayaan anagu ku shaqaynaa.”

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img