Warbaahinta Kenya ayaa baahisay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, laga celiyay Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenya, isla markaana dib loogu celiyay Muqdisho, kaddib markii ay saraakiisha socdaalka Kenya su’aal geliyeen baasaboor Kenyan ah oo la sheegay inuu watay.
Wararka Soomaaliya
Sida ay qoray wargeyska The Standard ee Kenya, saraakiisha socdaalka ayaa intii lagu guda jiray baaritaanka caadiga ah ka shakiyay in baasaboorka Kenyan-ka uu watay si sharci darro ah lagu helay.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in markii laga codsaday inuu dukumentigaas ku wareejiyo baaritaan, uu diiday isagoo sheegay inuu ku bixin doono oo keliya amar maxkamadeed.
Warbaahinta Kenya waxay sheegtay in mas’uulka loo gudbiyay qeybta VIP-da ee garoonka, halkaas oo lagu hayay muddo kooban, ka hor inta aan loo goyn in loo diido gelitaanka dalka Kenya, laguna celiyo diyaarad ku wajahneyd Muqdisho.
Faahfaahinta
Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xafiiska Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad midkoodna kama uusan soo saarin war rasmi ah oo xaqiijinaya ama beeninaya wararka ay baahiyeen warbaahinta Kenya.
Warbaahinta Kenya waxay sheegtay in dhacdadan ay ku soo beegantay xilli ay dowladda Kenya adkeyneysay baaritaannada la xiriira baasaboorrada Kenyan-ka, gaar ahaan kuwa looga shakiyo in si sharci-darro ah lagu helay.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

