19.7 C
New York

Wararka: Kumannaan qof oo buux dhaafiyay Garoonka Ciyaaraha ee Stad…

Published:

Kumannaan qof ayaa maanta buux dhaafiyay Garoonka Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, kuwaas oo si weyn u soo dhaweeyay garsooraha heerka caalami ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulkadir Cartan, kadib markii uu dib ugu soo laabtay dalka.

Wararka Soomaaliya

Dadweynihii isugu yimid garoonka ayaa muujiyay taageero iyo garab istaag ballaaran oo ay u hayaan garsooraha Soomaaliyeed, kaas oo dhowaan laga reebay ka qeybgalka Koobka Adduunka 2026, inkastoo uu ka mid ahaa garsoorayaasha FIFA u xulatay tartankaasi.

Munaasabadda soo dhaweynta ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin, ciyaartoy hore, taageerayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo Cumar Cartan ku tilmaamay haldoor Soomaaliyeed oo magac iyo sharaf u soo hooyay dalka.

Garsoore Cumar Cartan oo ah garsooraha ugu wanaagsan qaaradda Afrika ayaa saacado ka hor dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii loo diiday gelitaanka Mareykanka si uu uga qayb galo tartanka koobka adduunka.

Faahfaahinta

Diidmada Cartan ee gelitaanka Mareykanka ayaa dhalisay falcelin caalami ah iyo mid gudaha ah oo xooggan ayadoo warbaahinta dunidu ay arrintaas hadal hayso, islamarkaana ay dawlado, ururro caalami ah, shakhsiyaad caan ah, iyo dadka Soomaaliyeed oo isku duubani taageero xooggan u muujiyeen.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img