19.7 C
New York

Wararka: Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Diidmada Mareykanka ee …

Published:

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hadashay go’aankii ay dowladda Mareykanka ugu diidday fiisaha gelitaanka garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Omar Abdulkadir Artan, kaas oo loo qorsheeyay inuu ka qeyb galo tartan kubadda cagta ah oo ka dhacaya Waqooyiga Ameerika.

Wararka Soomaaliya

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay go’aankaasi, iyadoo xustay in Cumar Cartan uu yahay Garsooraha Sanadka ee CAF 2025 isla markaana uu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu magaca weyn isboortiga Soomaaliya.

Dowladdu waxay sheegtay inay dadaallo diblomaasiyadeed la sameysay hay’adaha ay khuseyso si loo fududeeyo safarka garsooraha, balse dadaalladaasi aysan keenin natiijadii la filayay.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku ammaantay Cumar Cartan guulaha uu gaaray, iyadoo tilmaamtay in uu tusaale u yahay dhalinyarada Soomaaliyeed, islamarkaana uu caddeeyay in dadaal, karti iyo adkaysi lagu gaari karo heerar caalami ah.

Faahfaahinta

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xaqiijiyay in Garsoore Cumar Cartan uu si nabad ah ugu soo laabtay dalka, isla markaana uu sii wadi doono waajibaadkiisa qaran iyo kuwa caalamiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale u mahadcelisay dhammaan dowladaha, hay’adaha isboortiga, shaqsiyaadka iyo taageerayaasha muujiyay garab istaagga ay la garab istaageen garsooraha Soomaaliyeed intii ay arrintani socotay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto wada-hadallada iyo xiriirka ay la leedahay dhinacyada ay khuseyso si loo helo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababaha keenay go’aanka lagu diiday gelitaanka Garsoore Cumar Cartan ee Mareykanka.

Saamaynta

“Ku soo dhawoow dalkii hooyo, Garsoore Cumar Cartan. Shacabka Soomaaliyeed waxay kula garab taagan yihiin sharaf iyo Karaama,” ayaa lagu yiri gabagabada warsaxaafadeedka dowladda.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img