Muqdisho, Soomaaliya – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay aad uga xun tahay in garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee ka socda dalalka Mareykanka, Canada, iyo Mexico.
Wararka Soomaaliya
War-saxaafadeed ay Wasaaraddu soo saartay maanta ayaa lagu sheegay in Garsoore Cumar Cartan uu la kulmay caqabado la xiriira oggolaanshaha gelitaanka Mareykanka, taasoo sababtay inuu seego ka qeybgalka tartanka.
Wasaaradda ayaa sheegtay inay si dhow ula shaqeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada Soomaaliya, isla markaana dadaallo diblomaasiyadeed iyo wada-xaajood la yeelatay Dowladda Mareykanka iyo FIFA si xal degdeg ah loogu helo arrintan.
Hase yeeshee, dadaalladaas ayaan lagu guuleysan in wax laga beddelo go’aanka.
Faahfaahinta
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ku tilmaantay Cumar Cartan astaan muujinaysa kartida, dadaalka iyo adkeysiga dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo xustay in guulihiisa caalamiga ah ay sharaf weyn u yihiin Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay Garsoore Cumar Cartan, isla markaana ay ka shaqeyn doonto horumarinta fursadihiisa xirfadeed ee mustaqbalka.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

