Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenimadii xalay ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo oo ku asteysan xorriyaddii Gobolada Koonfureed ee dalka iyo midowgii gobolada Waqooyi iyo Koonfur.
Wararka Soomaaliya
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddan qiimaha weyn u leh qarannimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xusay in 1-da Luulyo ay tahay maalin ka tarjumeysa halgankii dheeraa ee ay halyeeyadii Soomaaliyeed u soo galeen xorriyadda iyo dowladnimada.
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkooda qaran ayaa si sharaf iyo maamuus leh u saaray Calanka Jamhuuriyadda, markii ay goor sheegtadu ku beegneyd 12:00 habeenimo, waqtigaasi oo ku beegan 66 sano ka hor isla xilligii Calankeenna la saaray caasimadda Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo dowlad-dhiska dalka, isaga oo tilmaamay in jiilasha maanta ay mas’uul ka yihiin sii ambaqaadidda himiladii aasaasayaashii qaranka Soomaaliyeed.
Faahfaahinta
Dhanka kalena, Madaxweynaha ayaa waddooyinka caasimadda bulshada ugala qeyb galay farxadda munaasabaddan qiimaha weyn ugu fadhida shacabka Soomaaliyeed, taas oo xambaarsan xusuusta halgankii dheeraa ee loo soo maray gobannimada iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

