21.3 C
New York

Wararka: Deni oo ku hanjabay in aysan ogolaan doonin in Muqdisho…

Published:

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlayay munaasabadda 1-da Luulyo ee xuska 66-guurada xorriyadda Soomaaliya, ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka Soomaaliya

Saciid Deni oo si adag u hadlay ayaa sheegay in Puntland aysan marnaba ka tanaasuli doonin nidaamka federaalka, isla markaana aysan aqbali doonin in dad siyaasadeysan ay ciidan u adeegsadaan arrimo siyaasadeed.

Wuxuu ballanqaaday in Puntland ay heegan buuxa ugu jirto difaaceeda, isagoo tusaale u soo qaatay ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad. Wuxuu sheegay in askartii iyo saraakiishii dagaalkaas ku dhimatay ay u naf-hureen xorriyad iyo difaaca dhulka Puntland, sidaas darteedna aan marnaba la aqbali doonin cid waxyeeleysa amniga iyo nidaamka Puntland.

Deni ayaa sidoo kale ku baaqay in guud ahaan shacabka Puntland ay ku taagnaadaan waddadii ay jeexeen aasaasayaashii Puntland iyo awoowayaashood.

Faahfaahinta

“Muqdisho waa caasimaddii Soomaaliya. Marna ma oggolaan doonno in kali-talisnimo dambe ay dalka ku soo noqoto. Dadka reer Muqdisho waxaan u ballanqaadeynaa inaan garab iyo gaashaan u nahay, si dalkani u noqdo dal dimuqraadi ah oo sharcigu ka shaqeeyo, dadkiisuna ixtiraamaan dastuurka, kuna dhaqmaan nidaamka federaalka,” ayuu yiri Saciid Deni.

Wuxuu intaas ku daray in Puntland aysan ka tanaasuli doonin nidaamka federaalka, isla markaana aysan aqbali doonin in ciidan loo adeegsado dano siyaasadeed.

“Waxaan ballanqaadayaa in ciidamada Puntland ay heegan ugu jiraan difaaca amniga. Marna ma aqbali doonno in la waxyeeleeyo quruxda iyo nabadda Puntland,” ayuu yiri Saciid Deni.

Saamaynta

Deni ayaa sidoo kale si adag u weeraray Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, isagoo sheegay in hadallo dhowaan ka soo yeeray ra’iisul wasaaraha ay ka dambeeyeen dad kale.

“Waxaan ka xumahay hadalladii uu dhowaan ku hadlay Xamse. Waxaan aad u jeclaan lahaa in odayga hadalka u soo dhiibay uu isagu sidaas yiraahdo. Ninka hadalkaas u soo dhiibay waan garaneynaa. Reer Puntland cuqdad ma qabaan, waxa ay rabaan inay sheegaanna kama gabadaan. Danta aan dowladnimada ka leenahay way cadahay,” ayuu yiri Saciid Deni.

Deni ayaa hadalkiisa sii raaciyay weerar siyaasadeed oo uu ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img