23.1 C
New York

Wararka: Maraykanka oo fasaxaya kalabadh lacagta uu ka xayiray Iran.

Published:

Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa shaaca ka qaaday in la siidayn doono qaybtii ugu horreysay oo…

Wararka Soomaaliya

Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa shaaca ka qaaday in la siidayn doono qaybtii ugu horreysay oo gaareysa 6 bilyan oo doollar, taasoo ka mid ah 12 bilyan oo doollar oo hanti Iiraan uga xayirnayd dalka Maraykanka.

Madaxweyne Pezeshkian ayaa tilmaamay in sii-deynta lacagtan ay qayb ka tahay dadaallo diblomaasiyadeed oo socda, isla markaana ay kaalin ka qaadan doonto xoojinta dhaqaalaha dalka, maalgelinta adeegyada muhiimka ah iyo joojinta dagaalada Bariga Dhexe.

Dhanka kale, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Kazem Gharibabadi, ayaa sheegay in Iiraan iyo dowladda Oman ay magaalada Muscat ku yeesheen kulankii ugu horreeyay ee guddi wadajir ah oo ka shaqeynaya arrimaha la xiriira marin-biyoodka Strait of Hormuz.

Faahfaahinta

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray amniga, isu-socodka maraakiibta iyo iskaashiga labada dal ee ilaalinta marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin istiraatiiji ah oo ay maraan qayb weyn oo ka mid ah saliidda dunida.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img