Xarigga magaalada Muqdisho loogu geystay Cabdikariim Cabdullaahi Iidle, oo ka mid ah dadka ugu muhiimsan ee lagu tuhmayo kiiska musuq-maasuqa weyn ee Feeding Our Future, ayaa Soomaaliya ka dhaliyay dood xasaasi ah oo taabaneysa dhalashada, sharciga iyo xiriirka Muqdisho iyo Washington.
Ciyaaraha Soomaaliya
Cabdikariim, oo 42 jir ah, oo deganaa Burnsville, Minnesota, ayaa lagu qabtay Muqdisho 25-kii June, sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha Mareykanka. Dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaantay mid ka mid ah dadka lagu eedeeyay inay door weyn ku lahaayeen waxa Waaxda Caddaaladda Mareykanka ku sheegtay musuq-maasuqii ugu weynaa ee dhacay xilligii cudurka Covid-19.
Kiiska Feeding Our Future ayaa la xiriira lacag ka badan 240 milyan oo dollar oo la sheegay in laga leexsaday barnaamij federaal ah oo loogu talagalay quudinta carruurta danyarta ah.
Cabdikariim ayaa dacwad lagu soo oogay bishii September 2022, waxaana wajahaya 31 qodob oo ay ka mid yihiin khiyaano, laaluush la xiriira barnaamij federaal ah iyo lacag-dhaqid.
Faahfaahinta
Dacwad-oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay in Cabdikariim, oo ka tirsanaa hay’adda Feeding Our Future, uu xilkiisa u adeegsaday inuu lacago laaluush ah ka qaato ganacsato, islamarkaana in ka badan 5 milyan oo dollar oo la sheegay inay ahaayeen laaluush iyo dhaqaale sharci-darro ah lagu shubay akoonno lala xiriiriyay shirkado magac-u-yaal ah.
FBI-da Mareykanka ayaa si cad ugu mahadcelisay Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, iyadoo ku ammaantay “iskaashi muuqda” oo ay ka geysatay helista iyo qabashada Cabdikariim.
Balse hadalkaas ayaa Muqdisho ka abuuray laba aragti oo iska soo horjeeda. Qaar ka mid ah taageerayaasha dowladda ayaa u arkay in Soomaaliya muujisay iskaashi caalami ah iyo inay aysan gabbaad siin dadka baxsadka ah. Dhanka kale, sharci-yaqaanno iyo dad kale ayaa su’aal ka keenay habka loo maray xarigga iyo haddii ay jirto hannaan maxkamadeed oo cad.
Falanqaynta
Doodda ugu weyn ma aha in Cabdikariim uu cadaaladda ka baxsado iyo in kale. Su’aasha adag waxay tahay: Soomaaliya ma u gacan-gelin kartaa dal shisheeye qof muwaadin Soomaaliyeed, iyadoo aan la marin hannaan sharci oo cad?
Dadka arrintan ka walaacsan ayaa sheegaya in muwaadinnimada ay leedahay ilaalin sharci. Haddii ciidamada Soomaaliya ay qof muwaadin ah qabtaan, dabadeedna u wareejiyaan dal kale iyada oo aan maxkamad Soomaaliyeed arrinta eegin, waxay taasi abuuri kartaa halis mustaqbalka ka weyn.
Waxay ku doodayaan in maanta uu noqon karo qof lagu eedeeyay musuq-maasuq, balse berri ay noqon karto suxufi, siyaasi mucaarad ah ama ganacsade ay dowlad awood badan dooneyso.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

