25.8 C
New York

Wararka Ciyaaraha: Burkina Faso oo xiriirka u jartay Faransiiska

Published:

Dowladda Burkina Faso ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay gebi ahaanba u jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Faransiiska kadib khilaaf muddo sanado ah u dhexeeyay labada dal oo si isa soo taraya uga sii darayay.

Ciyaaraha Soomaaliya

War-saxaafadeed rasmi ah oo laga baahiyay telefishinka qaranka ee Burkina Faso ayaa lagu sheegay in dowladda Faransiiska ay si cad ugu xadgudubtay madaxbannaanida dalkaasi, isla markaana ay faragelin ku haysay arrimaha gudaha ee Burkina Faso.

Dowladda militariga ah ee talada haysa ayaa ku eedeysay Paris inay ku lug lahayd falal iyo dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah danaha qaranka, iyadoo sheegtay in xiriirka labada dal uu gaaray heer aan la sii wadi karin.

Wasiirka Isgaarsiinta ee Burkina Faso ayaa sheegay in dowladda Faransiiska ay ka shaqeynaysay qorsheyaal iyo tallaabooyin lid ku ah xasilloonida iyo madax-bannaanida dalkaasi, isagoo xusay in maamulka Ouagadougou uu go’aansaday inuu ilaashado madaxbannaanidiisa siyaasadeed.

Faahfaahinta

Sidoo kale, wasiirka ayaa ku eedeeyay Faransiiska inuu taageero siiyay kooxo ka soo horjeeda dowladnimada Burkina Faso, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid halis ku ah amniga iyo jiritaanka dowladda dalkaasi.

Mas’uulkan ayaa dhinaca kale caddeeyay in go’aanka lagu jaray xiriirka diblomaasiyadeed uusan saameyn doonin muwaadiniinta Faransiiska ee ku sugan gudaha Burkina Faso, isla markaana la ilaalin doono xuquuqdooda iyo ammaankooda.

Go’aankan cusub ee ay qaadday Burkina Faso ayaa la filayaa inuu wax weyn ka beddelo siyaasadda Galbeedka Afrika, oo muddo dheer ahayd gobol hu Faransiisku ku lahaa saameyn xooggan. Sidoo kale, tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli dalal dhowr ah oo ku yaalla gobolka Saaxil ay dib u eegis ku sameynayaan xiriirkooda ay la leeyihiin Paris iyo joogitaanka ciidamada Faransiiska ee dalalkooda.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img