20.2 C
New York

Wararka: Maxay dhigantahay in Aqoonyahanka Soomaaliyeed loo magacaa…

Published:

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa u magacaabay Mohamed Yahya xilka Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Ku-Xigeenka Isuduwaha Gargaarka Degdegga ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA).

Wararka Soomaaliya

Magacaabistan ayaa Mohamed Yahya ka dhigaysa mid ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sarreeya ee hoggaanka arrimaha bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay, isaga oo door muhiim ah ka qaadan doona isku dubbaridka gurmadka degdegga ah iyo howlaha gargaarka ee ka socda dalalka ay saameeyeen colaadaha iyo musiibooyinka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhaweysay magacaabistan, iyadoo ku tilmaantay guul qaran iyo aqoonsi muujinaya doorka sii kordhaya ee ay Soomaaliya ku leedahay hoggaanka hay’adaha caalamiga ah.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar, ayaa hambalyo u diray Mohamed Yahya, isaga oo sheegay in xilkan uu yahay mid uu mudnaa.

Faahfaahinta

“Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Mohamed Yahya magacaabistan muhiimka ah.

“Soomaaliya waxay ku faanaysaa in mid ka mid ah muwaadiniinteeda loo doortay xil sare oo hoggaamineed oo Qaramada Midoobay ah. Waxaan u rajaynaynaa guul iyo inuu sii xoojiyo howlaha muhiimka ah ee OCHA ee taageerada dadka u baahan gargaarka adduunka oo dhan,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS.

Magacaabistan ayaa noqanaysa tallaabo muujinaysa kororka kalsoonida beesha caalamka ay ku qabto khubarada Soomaaliyeed, iyadoo Dowladda Federaalka ay muujisay rajo ah in waayo-aragnimada iyo hoggaaminta Mohamed Yahya ay door weyn ka qaadan doonaan horumarinta howlaha bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img