20.2 C
New York

Wararka: Iiraan oo weerar gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahay…

Published:

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay fuliyeen hawlgal wadajir ah oo loo adeegsaday gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), kaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo militari oo Mareykanku ku leeyahay gobolka.

Wararka Soomaaliya

Bayaan ay soo saareen Ilaalada Kacaanka ayaa lagu sheegay in weerarkani uu jawaab u yahay waxa ay ku tilmaameen duullaannadii ugu dambeeyay ee Mareykanku ku qaaday goobo ku yaalla gudaha Iiraan.

War-saxaafadeedka ayaa xusay in hawlgalku qayb ka yahay tallaabooyin ay Iiraan ku sheegtay inay ku difaacayso madax-bannaanideeda iyo ammaankeeda qaran.

Ilaa iyo hadda, Mareykanku si rasmi ah ugama hadlin sheegashada Iiraan, mana jiro war madax-bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha ama saameynta ka dhalatay weerarkaas.

Faahfaahinta

Tillaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowaan la gaaray heshiis lagu soo afjarayo colaaddii in ka badan boqolka maalmood socatay ee dhex martay Iiraan iyo Mareykanka iyo Israa’iil oo isku dhinac ah.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img